Waxaan dhawaan soo booqanay Caasimada Basso Mudug ee Ceelbuur, runti Ceelbuur waa magaalo aad noo jiitay waxaan ku arkaysaa inay magaalo facwayn tahay guryaha taariiqigaa ee ku yaalo ee uu talyaanigu ka dhisay qarnigii 19ki ama kun 1920ki,
laakiin dagmadu waa magaalo ay dayaceen dadki u dhashay ama wax ku soo bartay ka na hajireen badankeed waa magaalo cimiladeedu aad u wanagsan tahay lehna wax kasta oo nolushu u baahan tahay.
Sida Koronto Afar iyo labatan Saac 24 Hours, shaqaysa.Hospital aad uwayn iyo laba yar ayar, inkasta uu xirnaay Hospitalka wayn xag dhaqaale awgeed u xiran yahay iyo hay’adaha oo ka jeiiftay dagankaas, school sare iyo hoose dhexe ha,dana waxaa laga hirgalinaayay laba xarumood oo College ah oo ay maal galinaayeen Gancasade Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo Ganacsade Muqtaar Geedi Cade oo u dhashay dagaanka.inkastoo aysan dhamaan howsheedu wali.
Waxa ku waregsan Bali ama Lake sida aad u taqaano magalada, waxaa dhamaan dayactir u baahan dageenadi ay dowladu ka howl gali jirtay, waxaa jooga laba hay’ adood inkastoo howshuudu gaabsi tahay, oo kala ahhay’ada Consern iyo Bisha Cas,
waxaa maalinti u Shaqo taga Dad aan ku qiyaasnay kun ilaa Kun iyo shanboqol oo rux oo ka shaqeeysta dagaxa Dibirka looyaqaan ama Burjikada iyo Cusba qodis oo u shaqataga geegaanka washaaqo oo ah magalada banaankeeda, gobalka waxaa ka Jiiftay Hay’adaha Caalamiga ee UNKA iyo Ganacsatada u dhalatay oo sidi la rabay wax uga qaban
Ka Hay’ad ahaan waxaan isku dayayanaa inaan ka qabano waxi karankeena kana dhaadhicino inaan nahay hay’ad dagaanka laga leeyahay oo qaban karta hoowaha uu deegaanku u baahan yahay aduunka iyo hay adaha dowligaa aidnkan anagu garabsiiya hoowshaas aan isu xilqaanay dhamaantiin.
wabilahi towfiie bassomudug development sociaty.
