Waxaa dhawaan socdaal ku tagnay magaalda Bargaan ee degaanka Basso Mudug, hadaan idinkaaga faaloono Magaalada Bargaan, waa Magaalo ka badalan sidi aan ku ogaay  xaga horumarka, sababtoo ah marki iigu Danbaysay magaalada ma jirin wax adeega bulshada ah, inkastoo an ka soo qeeyb qaadanay xaga horumarka, Laakiin waxaan ugu tagay wax ka wayn waxi aan filaaynay, waayo magaalda waxaa laga hirgaliyay dugsi Hoose Dhexe, waxaana gabgabo maraayay dugsigi sare inkastoo hada la dhameeyay,
Magaalda waxaay leedahay Hospital wayn oo ay hirgaliyeen Ganacsatada u dhashay iyo qurba joogta dibada, Magaaldu xaga Biyaha waxay leedahay laba Ceel oo biyaha laga cabo iyo Matoor kayd u ah, waxaana xaga Biyaha gacanta ku haayo Cabdulaahi Foodcade oo wax badan gacanta ku haayay Matoorada iyo Ceelasha biyaha dadaal dheerna u galay si bulshada ku nool deegaanka Bargaan aysan biyo u waayin.

Magaalada Bargaan waxaa laga hirgalin rabay oo howsheedu socotay dhismooyin Dagmo,waxaan dadaalkaas Badankiisa gaystay oo dib u dhiska magaalda hanti badan  iyo juhdiba galiyay Ganacsade Maxamed geedi Boos, Xaga Schoolka waxaa gacanta ku haayo Qurbajoogta u dhalatay ee dagan Magaalda Biristol ee Wadanka Engiriiska,MudoToban Sano dhan Reer Biristol ayaa bixinaayay mushaaradka Macalimiinta wax ka dhiga Schoolada, waxaan Amaan balaaran u jeedinaynaa  Gacasade Geedi Boos iyo Reer Biristol oo aan la aantood suurtagasheen, Horumarka Bargaan iyo rag kale oo Ganacsato ah oo uu Gudoomiye u yahay Xasan Cali Boor iyo janadi Fardoowso alaha ka waraabiyee Siciid Jalwo Gacal oo dhawaan geeriyooday, oo ay Magaaladu tabi doonto dadaalki uu ka galay horumarkeeda,


Magaalda waxaa hada ka howl galo Hay’ada Meriland oo laga leeyayay Wadanka Engiriiska, haysana xaga Hospitalka Daawooyin aan saas u buurnayna gaysa, inkastoo aysan baahida ka jirta daboolin, sababtoo ah bahida jirta ma dabooli karto hal Hay’ad oo kaliya
Anaga Hay’ad ahaan waxaan isku dayayanaa saan rabno hadaay noo suuroowdo inaan  dadaal badan ka gaysano  Hoowl badana ka qaban karno, waxaan ka codsanaynaa Hay’adaha Caalamiga Qurba joogta iyo ganacsatada, in ay nagu garabsiiyaan howsha an wadno
waxaan ku eedaynaynaa UNka in ay ka jiifteen dhamaan Deegaanada Basso Mudug inay ka howl galaan, waxaan ka codsanaynaa in ay wax nagala qabtaan, hadayna tagi karin anagaa wax ka qaban karna ee ay nagu maal galiyaan
  Basso mudug development Society
xasanjocle@hotmail.com