Waxaan ugu Bishaaraynaynaa Bulsho waynta dagan Deegaanada Mudugta Hoose, inaan ka sharciyaynay Hay’ada Basso Mudug Development Society {B.M.D.S} oo ah Hay’ada Horumarinta Bulshada Mudugta Hoose wadanka Maraykanka. Haysanana sharciyadi looga baahnaay hay’ad dhamaan, una furnay account.iyo websed ay qaas u leedahay. haysanana qolo kasta oo nacaawinayso AD lambarki, ama xisaab calinta waxa loo yaqaano oo ay abaahnaayeen. dhawaana ka sharciayadoono Wazaarada arimaha gudaha ee soomaaliya, UNka iyo degaanada ay ka shaqayn doonto maamulada ka arimiya dhamaantoodA.Mac’naha Basso mudug xagaysa ka howlgalaysaa?
Basso Mudug, waa Mudugta Hoose waagi gumaysiga Talyaaniga ayuuna magacaani Baxay.Mudug ayaa waxay kala ahayd Alto mudug oo caasimadeedu ahayd Gaalkacyo iyo Basso Mudug oo caasimadeedu ahayd Ceelbuur.
marka waxi ka hooseeyo Gaalkacyo ayaa la oranjiray Basso Mudug, waxuuna Ceelbuur dagmo u magacaabay sanadki 1929kii, kanna dhigay caasimada Basso Mudug. Basso mudug waa degaan baaxadiisu tahay 400km waxaana hoostaga shan Dagmo oo kala ah dhanka bari. Ceeldheer.iyo Gaclad.dhinaca koofur Wabxo.dhinaca waqooyi Galhareeri dhinaca Galbeedna Ceelgaras. waxay leedahay Xeeb aad u dheer oo looyaqaan xeebta Mareegiyo Dakada Wayn ee Cigo, iyo Gagida Diyaaradaha ugu wayn gobalada dhaxe, ee uu ruushku dhisay kana dagi karaan diyaaradaha ugu waawayn dunida ee ku taalo caasimada bassomudug ee ceelbuur.
marka waxay ka hoowlgalidoontaa dagmooyinkaas iyo deegaanada ku xeeran
B. maxay qabanaysaa hay’ada bassomudug?
Hay’adaani Basso Mudug waa hay’ad u shaqaysa bulshada kalana shaqaysa horumarka bulshada dhicnac kasta uu u kala baxo. wax shaqo ahna kuma lahan siyaasad.mana lagu doonaayo in lagu abuurto dhaqaalo waa Hay’ad iskaa wax u qabso ah ama {nonprofit origination}
c. maxaa nagu kalifay inaan hay’adaan hirgalino?
Waxan wax badan ka shaqaynaynay si iskaa wax u qabso ah degaanadaan Mudugta Hoose maadaama aysan ka jirin wax Dowlad ah, oo qabto waxa ay u baahan yihiin degaanku si shaqsi yaad ah ama qaabka looyaqaano qaaraan {Collective Money} waxaan is ku afgaranay in aan baahida jirta looga haqab beeli karin qaabka aan wax ku wadno. baahiduna badan tahay. in kastoo Dad is xil qaamay ay ka hirgaliyeen adeegyo caafimaad, adaeegyo wax barasho, iyo mid bahida biyaha, una gurman jireen abaaraha ka dhaca deegan waynaha Basso Mudug, hadana markaan socdaal ku soo marnay qayba ka mida deegaanka sanadki hore aa waxaa noosoo baxay inaan samayno hay’adan si aan caalamka wax ugu waydiino deegaanka.
marka waxaan ka cosanaynaa dhamaan Bulshada dagan
Deegaankaan Hay’adaha Dowligaa iyo kuwa aan Dowliga ahayn inay nagu garab siiyaan shaqadaan aan isu xilqaanay. Waxaana Hay’ad localoo aan ku tiirsanayn hay ad kale waxi ay garab uga hesho maahane. waxaana soo dhawaynaynaa cidkasta oo wax nagala qabanayso ama maamulka ka mid noqonaysa,
waxaan xafiisyo ku yeelan donaa Gobalka Banaadir, Dagmada Ceelbuur, dagmada Galhareeri. iyo Dagmada Wabxo. kadibna waxaan u gudbi doonaa deegaanada kale ee gobalka Bassomudug halka dibadana ay ka howl gali doonto maraykanka.Canada.Engiriska iyo Swedan
waxaan xafiisyo ku yeelan donaa Gobalka Banaadir, Dagmada Ceelbuur, dagmada Galhareeri. iyo Dagmada Wabxo. kadibna waxaan u gudbi doonaa deegaanada kale ee gobalka Bassomudug halka dibadana ay ka howl gali doonto maraykanka.Canada.Engiriska iyo Swedan
Fadlan waxi talo ama wada shaqayn ah nagala soo xiriinTelephonada iyo Emailada kala ah xasanjcole@hotmail.com At 612 644 056
Aabdijibaar aadan Caraale {lugagooys} samaan50@hotmail.com
Soona booqo webka Bassomudug.org

